1:03:52
DAGAALKA ITOOBIYA: ISBAHAYSIGA FANO IYO TPLF, XIISADDA XUDDUUDAHA IYO MUSTAQBALKA TIGRAAY
Itoobiya waxay wajahaysaa xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo cakiran, iyadoo dagaallada, isbeddellada isbahaysiyada mucaaradka iyo xiisadaha xudduudaha ay dhalinayaan su'aalo muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalka dalka.
Barnaamijkan Bubal Think Tank – Beyond the Headlines, waxaan ku falanqaynaynaa:
- Dagaalka Itoobiya: Maxaa ka cusub furimaha dagaalka iyo isu-dheellitirka awoodaha?
- FANO iyo TPLF: Waa maxay heerka iskaashigooda, maxaase ka dhalan kara?
- Xudduudaha: Maxaa sababay xiisadaha, sideese ay u saameyn karaan amniga gobolka?
- Maamulka Tigraay: Waa maxay xaaladda siyaasadeed iyo tan amni, mustaqbalkiisuna xaggee ayuu u socdaa?
- Mustaqbalka Itoobiya: Dagaalku ma sii fidi doonaa mise xal siyaasadeed ayaa suuragal ah?
Waxaan kala saaraynaa wararka la xaqiijiyey, sheegashooyinka dhinacyada dagaallamaya iyo falanqaynta siyaasadeed.
BUBAL THINK TANK — Beyond the Headlines
#Ethiopia #FANO #TPLF #Tigray #Eritrea #HornOfAfrica #BubalThinkTank