Dagaalka Itoobiya iyo xiisadaha sii kordhaya ee Geeska Afrika
Dagaalka Itoobiya ma galay marxalad cusub? Maxaa laga ogyahay xiisadaha la xiriira Eritrea, gaar ahaan Bura iyo Casab? Maxay xaaladda dagaal ee gobolka Axmaaradu ka muujinaysaa isku dheellitirka awoodda? TPLF maxay soo saartay, maxaase laga filan karaa tallaabooyinka xiga?
Barnaamijkan Bubal Think Tank waxaan ku falanqaynaynaa:
- Xiisadaha militari ee la xiriira Eritrea, Bura iyo Casab.
- Dagaallada culus ee ka socda gobolka Axmaarada.
- Wararkii ugu dambeeyay iyo bayaannada TPLF.
- Suurtagalnimada weerarro gantaallo ah iyo saamaynta ay ku yeelan karaan xaaladda amni.
- Saamaynta ay dhacdooyinkani ku yeelan karaan Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Su’aasha ugu weyn: Itoobiya ma ku sii siqaysaa dagaal ballaaran oo gobolka saameeya, mise xal siyaasadeed ayaa weli suurtagal ah?
Kala soco Bubal Think Tank — Beyond the Headlines, si aad u hesho falanqayn siyaasadeed iyo mid istaraatiiji ah oo ka baxsan cinwaannada wararka.
#Itoobiya #Eritrea #TPLF #Axmaarada #GeeskaAfrika #BubalThinkTank