DAGAALKA ITOOBIYA: MAXAA ISBEDELAY?
Dagaalka waqooyiga Itoobiya ayaa galay marxalad cusub, iyadoo dagaalladu ka socdaan Tigray iyo deegaannada ku dhow, halka ciidamada dowladda iyo Tigray Peace Forces ay dib ula wareegeen meelo muhiim ah. Warar cusub ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Eritrea ay galeen qaybo ka mid ah Tigray, halka dowladda Itoobiya ay duqeymo drone ah ku bartilmaameedsatay ciidamo Eritrean ah. Eritrea weli si cad uma xaqiijin joogitaanka ciidamadeeda gudaha Itoobiya.
Barnaamijkan Bubal Think Tank waxaan ku falanqaynaynaa:
• TPLF ma ka baxday aagag muhiim ah, mise waa dib-u-habayn istaraatiiji ah?
• Fano ma qabsatay aagag muhiim ah, maxaase ka dambeeya dhaqdhaqaaqyadeeda?
• Eritrea maxay ku dambayn doontaa, gaar ahaan kadib markii xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Eritrea uu xumaaday?
• Maxay tahay doorka ciidamada Tigray Peace Forces?
• Soomaaliya maxay ku soo kordhin kartaa xaaladda cusub ee Geeska Afrika?
• Maxaa cusub oo ka soo kordhay siyaasadda iyo istaraatiijiyadda Abiy Ahmed?
• Dagaalku ma ku fidi karaa meel ka baxsan Tigray?
• Itoobiya iyo Eritrea ma u sii socdaan isku dhac ballaaran?
Su’aasha ugu weyn: TPLF ma dhab ahaan way daciiftay, mise dagaalku wuxuu galay marxalad cusub oo ay dhinacyadu dib u habaynayaan awooddooda iyo istaraatiijiyaddooda?
Bubal Think Tank — Beyond the Headlines
🎙️ New to streaming or looking to level up? Check out StreamYard and get $10 discount! 😍 https://streamyard.com/pal/d/4674084892901376